FAAH-FAAHIN: Khasaaraha weerarro ka dhacay Shabeellaha hoose & Banaadir.

Wednesday October 28, 2026 - 19:42:02
MeMO Staff
Faahfaahinno dheeraad ah ay kasoo baxay khasaaraha qaar ka mid ah weerarro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay koonfurta dalka Soomaaliya.
Weerar maanta ka dhacay Shabeellada hoose, gaar ahaan afaafka hore ee degmada Afgooye ayaa lagu dilay askari ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka.

Sida ilo-wareedyo aanu helnay ay xaqiijiyeen, askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Carab, waxaana dilkiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Qori AK47 ah iyo boosh uu sitay askarigan la dilay ayaa la xaqiijiyey in ay furteen raggii hawl-gaasi fuliyey oo ka tirsan xoogagga jihaadiyiinta.

Geesta kale, qarax ka dhacay gobolka Banaadir oo sida la sheegay ay fulisay Al-Shabaab, ayaa habeennimadii xalay lagu weeraray ciidanka dowladda.

Qaraxan ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday bar kantarool oo ciidanka Gurguurte ku leeyihiin xaafadda KPP ee degmada Hodan ee caasimadda Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey, weerarkan waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 1 askari oo magaciisa lagu sheegay Fu’aad, kaasi oo ah taliyaha bar-kantaroolka la beegsaday.

FG: WARARKA DEG-DEGGA AH: TELEGRAM, FACEBOOK, X/TWITTER, SUBSTACK, SIGNAL & CHIRPWIRE.

Related Items

Update cookies preferences